Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka Cimilada DFS ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa ay ku qabatay shir loogu magac-daray shirka banbaxa wasaaradda deegaanka kaas oo ay ka qayb-galeen shaqaalaha iyo madaxda wasaaraddu.
Shirkan oo ku saabsanaa hagaajinta howlaha shaqo ee wasaaradda waxaa furitaankiisa hadallo ka jeediyay madaxda wasaaradda ugu horraynna agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka DFS ayaa ka warbixiyay shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla wasaaradda.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali