Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray shirka dib u eegista howlaha u qabsoomay Hay’adda SoDMA sanadkaan sii idlaanaya ee 2024 isla-markaana lagu gorfeynayay qorshaha sanadka soo aaddan ee 2025, kaas oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shirku wuxuu si buuxda diiradda u saaray is-qiimeyn iyo isla-xisaabtan, waxaa lagu soo bandhigay doodo ad-adag iyo fikrado wax-ku-ool ah, inta badan agaasimayaasha waaxaha iyo la-taliyayaasha ayaa soo jeediyay warbixinno muhiim u ah dib u eegista howlaha u hirgalay Hay’adda iyo waxa la filan karo sanadka soo soda.
Warkan waxaa faah faahinaysa: Hamdi Dirie Ali