Shirka dib-u-eegista Sannadlaha ah ee Arrimaha Bulshada oo lagu qabtay Mugdisho

0
31

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer):-Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Dib-u-eegista Sannadlaha ah ee Barnaamijyada Arrimaha Bulshada, oo ay taageerto hay’adda UNICEF.

Shirka waxa ka soo qaybgalay wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ee ku mideysan Tiirka Arrimaha Bulshada ee Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (QHQ-9). Mudadii uu socday, waxa si qoto dheer loogu falanqeeyay guulaha laga gaaray mashaariicda la fuliyay, caqabadaha ku hor gudban hirgelinta barnaamijyada arrimaha bulshada, iyo casharrada muhiimka ah ee laga bartay si loo hagaajiyo fulinta mashaariicda mustaqbalka.

Hamdi Dirie Ali ayaa soo jeedinaysa Warkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here