Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirka Latashiga Culimada Soomaaliyeed ee ku saabsan Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka,Shirkaan oo ay si wada jir ah usoo agaasimeen wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka,Guddiga madaxa banaan iyo Guddiga La socodka Dastuurka ee Barlamaanka JFS ee u xilsaaran Dib-u-eegista,Hirgalinta iyo kor joogteynta dastuurka.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa in Culimada Soomaaliyeed doorkooda ka qaataan dhameystirka Dastuurka iyo latashi lagala yeesho qaar kamid ah qodobada Dastuurka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Ahmed Mohamed Jama