Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee XFS ayaa magaalada Baydhaba, oo ah xarunta KMG ee Koonfur Galbeed, ka furtay shirka wadatashiga tayeynta iyo maareynta biyaha Soomaaliya ee shanta sano ee soo socota. Shirka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, dowlad-goboleedyada dalka, wakiillo ka socday hay’adaha ka shaqeeya biyaha, iyo marti-sharaf kale.
waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir Yusuf