Shirka meel marinta guddiyada nabadda degmooyinka dalka oo ka furmay Dhuusamareeb

0
15

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ka furmay Shirka Guddiga Qaran ee Nabadda iyo Xasilinta Degmooyinka, kaas oo uu soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Soomaaliya, iyadoo ay garab istaageen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug iyo hay’adaha taageera nabadeynta Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona muddo dhowr maalmood ah, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo dardargelin lahaa qorshaha qaran ee lagu xasilinayo degmooyinka dalka Waxa uu shirku isku keenayaa mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah, ururrada bulshada rayidka ah, iyo la-taliyeyaal khubaro ah.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here