Shirka Sanadlaha ah ee Dib-u-eegista Mashaariicda UNICEF oo ka furmay Dhuusamareeb.

0
21

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, Mudane Eng. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Dhagacade), ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug Shirka Sanadlaha ah ee Dib-u-eegista Mashaariicda UNICEF, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug.

Shirka sanadkan waxaa ka qeyb galay Jill Lawler oo ah Madaxa Howlgalada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee UNICEF, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Mudane Cabdullaahi Cumar Aadan, iyo agaasimeyaal ka kala socday Wasaaradaha Deegaanka, Biyaha, Haweenka, iyo Wasaarado kale oo qeyb ka ah mashaariicda ay taageerto UNICEF.

Warkaan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Diriye Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here