Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa magaalada Baydhabo ka furtay shir wadatashi oo u dhexeeya Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladaha Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal.
Shirkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Wasaaradaha Shaqada, dejinta qorshe-howleedka sanadka 2025, dardargelinta adeegyada bulshada, sida mashaariicda daryeelka arrimaha bulshada, iyo taaba-gelinta hannaanka casriyeynta dowladnimada, iyadoo la waafajinayo qorshaha isbeddelka Qaranka.
Hamdi Diriye Ali ayaa soo jeedineysa.