Shirkii isku xirka dib-u-eegista qorshaha mashaariicda Caafimaadka Galmudug oo lasoogabangabeeyay

0
19

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee dowlad-goboleedka Galmudug, Dr. Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xiray shirka isku xirka, dib-u-eegista, iyo qorsheynta mashaariicda caafimaadka ee Galmudug. Shirkani oo muhiim u ah horumarinta adeegyada caafimaad, ayaa la qabtaa saddexdii biloodba mar, wuxuuna diiradda saaray sidii loo qiimeyn lahaa mashaariicda socda, loona dejin lahaa qorshayaal wax-ku-ool ah oo kor loogu qaadayo adeegyada caafimaadka ee bulshada reer Galmudug.

Dr. Cabdiweli wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta hay’adaha caafimaadka iyo la-hawlgalayaasha kale si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo tayo leh, gaar ahaan meelaha ay adeegyadaasi ka liitaan.

Warkaan waxaa soo jeedineya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here