Simone Inzaghi oo Amaanay Lamine Yamal Kahor Kulanka Adag ee Champions League

0
5

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Simone Inzaghi oo Amaanay Lamine Yamal Kahor Kulanka Adag ee Champions LeagueTababaraha kooxda Inter Milan, Simone Inzaghi, ayaa si weyn u amaanay ciyaaryahanka da’da yar ee kooxda Barcelona iyo xulka Spain, Lamine Yamal, kahor kulanka adag ee lugta labaad ee semi-finalka UEFA Champions League oo maanta lagu ciyaari doono garoonka San Siro ee magaalada Milan.

Labadan kooxood ayaa barbaro 3-3 ah ku kala baxay kulankii hore ee ka dhacay garoonka Camp Nou, iyadoo Lamine Yamal uu qeyb weyn ka qaatay bandhiggii Barcelona, islamarkaana uu dhaliyey mid ka mid ah goolashii ay kooxdiisu keensatay.

Simone Inzaghi oo la hadlayay warbaahinta kahor kulanka ayaa si gaar ah u tilmaamay tayada iyo halista uu leeyahay xiddiga reer Spain, isagoo xusay in kooxdiisu ay diyaarisay qorshe cad oo lagu xakameynayo ciyaaryahankaas si looga hortago halistiisa.

“Waa inaan isku daynaa inaanan kubadda u oggolaan inuu helo, balse waa wax aan si buuxda u suurtagelin karin,” ayuu yiri Inzaghi.
“Dabcan, si gaar ah ayaa loo ilaalin doonaa, si dhow ayaa loola socon doonaa, markaa waan isku dayi doonnaa inaan feejignaano.”

Tababaraha reer Talyaani ayaa intaas ku daray:

“Wuxuu leeyahay hibo weyn, waa ciyaaryahan runtii khatar ah; dhammaan ciyaartoyda waxay u dhiibaan kubadda. Waan la yaabay sida uu si dhakhso leh u fakaro; had iyo jeer wuxuu ogyahay waxa uu samaynayo.”

Yamal, oo ah 16 jir rikoodhyo badan jebiyay xilli ciyaareedkan, ayaa noqday xiddig si joogto ah uga muuqda safka koowaad ee Barcelona, wuxuuna noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu rajada badan kubadda cagta Yurub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here