Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa mar kale deeq gargaar ah gaarsiisay dad danyar ah oo ku nool deegaanka Lambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Deeqdan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay hay’addu ugu jirto sidii loo gaarsiin lahaa kaalmo bini’aadantinimo dadka ay saameeyeen duruufaha adag iyo saboolnimada.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed