SODMA oo Muqdisho ka daahfurtay qaybinta deeq gargaar ah

0
32

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA) oo kaashanaysa Hay’adda King Salmaan ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay qeybinta deeq gargaar ah oo labada hay’add si wadajir ah u gaarsinayaan 4-kun oo qoys oo ku nool gobolka Banaadir.

Qoysaska gargarkaan la gaarsiinaayo ayaa ah kuwii sameenta ka soo gaartay daadadkii ugu danbeeyay ee ka dhashay roobkii Muqdisho ka da’ay todobadkii hore.

Gargaarkaan ayaa ka kooban raashin , dhar, maacuun iyo teendhooyin waxaana si gaar ah loogu talagalay qoysaskii roobkii dhawaan Caasimada ka da,ay sameenta ka soo gaartay.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here