Soomaaliya iyo QM oo kala saxiixday is-afgarad lagu xoojinayo isbeddelka dijitaalka.

0
9

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis is-afgarad (MoU) la saxiixatay Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), si loo xoojiyo isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka Soomaaliya.

Munaasabadda saxiixa ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo labada dhinac ka kala socday.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), ayaa saxiixay heshiiskan muhiimka ah, iyadoo dhinaca UNDP uu u saxiixay Mr. Lionel Laurens, oo ah Wakiilka Joogtada ah ee UNDP ee Soomaaliya. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, iyo xubno ka socda UNDP.

Heshiiskan is-afgarad ayaa saldhig u ah iskaashi istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo adeegyada dijitaalka ah ee dowladda, taasoo qeyb ka ah dadaalka lagu dhisayo dowlad casri ah oo la jaanqaadi karta baahiyaha bulshada iyo horumarka tiknoolojiyadda caalamka.

Mr. Lionel Laurens ayaa intii ay munaasabadda socotay muujiyay sida ay uga go’an tahay UNDP in ay sii kordhiso taageerada ay siiso Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Isgaarsiinta oo uu ku tilmaamay hay’ad hormuud u ah kobcinta dhijitaalka ee Soomaaliya. Waxa uu carabka ku adkeeyay in isbeddelka dijitaalka ahi uu yahay furaha horumar waara iyo koboc dhaqaale.

Dhankiisa, Wasiir Maxamed Aadan Macallim ayaa sheegay in heshiiskan uu muujinayo kalsoonida iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac, isla markaana uu muhiim u yahay xaqiijinta aragtida Soomaaliya ee ku saleysan horumar dhijitaal ah.

Wasiirku waxa uu uga mahadceliyay UNDP iyo Xafiiska Isu-duwaha Qaramada Midoobay dadaalkooda joogtada ah ee lagu horumarinayo dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here