Taageerayaasha Liverpool oo Codsaday in Xiddigan laga Saaro Safka Kooxda.

0
5

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Taageerayaasha Liverpool ayaa dalbanaya in tababare Arne Slot uu go’aan adag ka qaato safkiisa kaddib guushii 2-1 ee ay kooxdu ka gaartay Everton kulankii Merseyside Derby.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa labo gool oo degdeg ah ka dhalisay Anfield, waxaana u dhaliyay Ryan Gravenberch iyo Hugo Ekitike.

Everton ayaa qeybta labaad jawaab celin sameysay, markii Idrissa Gueye uu dhaliyay gool qurux badan, taasoo keentay in qeybtii dambe ciyaartu noqoto mid kacsan.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa guusha xaqiijisay, taasoo noqotay guushoodii lixaad oo xiriir ah xilli-ciyaareedkan.

Hase yeeshee, taageerayaal badan ayaa dhaleeceeyay bandhigga weeraryahanka reer Holland ee Cody Gakpo, iyagoo ku doodaya inuusan saameyn ku yeelan weerarka.

Qaar badan ayaa ku baaqay in Slot uu Gakpo ka saaro safka hore, isla markaana booskiisa lagu bilaabo Ekitike iyo Alexander Isak.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa ku qoray X: “Waa inaan helnaa hab aan ku ciyaarsiino Hugo iyo Isak. Gakpo ma ahan mid si fudud ula jaanqaadaya qaabka aan hadda u ciyaareyno.”

Qaar kalena waxay ku tilmaameen Gakpo “xiddiga ugu daciifsan” kooxda, iyagoo ku baaqay in la geeyo kursiga keydka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here