Tababar ku saabsan badqabka haweenka oo ka furmay Gaalkacyo

0
34

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Hishiisinta Dowladda Galmudug ayaa tababar ku saabsan Badqabka iyo Adkeysiga Haweenka uga furay Degmada Gaalkacyo Gabdhaha Golaha deegaanka Degmooyinka Gaalkacyo & Cabudwaaq,

Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo awoodda haweenka Ee Golaha Deegaanka isla markaana la siiyo aqoon ku saabsan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabadeynta iyo horumarinta bulshada iyadoo la siinayo xirfado ku saabsan Arrimaha Maamulka iyo Nabad Dhiska.

Warkan waxaa faah faahinaysa: Hamdi Dirie Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here