Tababar ku saabsan cudurada iyo nafaqeynta xoolaha oo kafuray Dhusamareeb.

0
6

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta Galmudug, Shariifn Abdinuur Barre, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Saleebaan Maxamed Salaax, ayaa magaalada Dhuusamareeb tababar shan maalmood soconaya uga furay shaqaalaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Deegaanka ee Galmudug.

Tababarkan ayaa qayb ka ah mashruucyo diiradda saaraya ka hortagga cunno yaraanta iyo xoojinta adkeysiga nidaamka sugnaanta cuntada ee Soomaaliya. Barnaamijkan waxa uu ka mid yahay dadaallada gobolka Geeska Afrika looga jawaabayo caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, colaadaha, iyo nuglaanta nidaamka wax-soosaarka.

Warkaan waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir Yusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here