Tababar ku saabsan diyaarinta buugga hagaha adeegga guud ee dowladaha hoose oo Dhuusamareb ka furmey

0
67

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maamulka magaalada Dhuusamareeb oo kaashanaya Magaalada Dhuusamareeb oo kaashanaya Wasaaradda howlaha guud ee Galmudug iyo N Mashruuca horumarinta Dowladaha Hoose ee JPLG ayaa maagaalada Dhuusamareeb waxaa uu tababbarkan uga furay agaasimayaasha waaxaha howlaha guud ee Degmooyinka Dhuusameereb Caabudwaaq iyo Cadaado.

Tababbarkan ayaa la xiriira diyaarinta buuggaha hagaha howkaha guud ee degmooyinka Galmudug. Buuggan hagaha ayaa diiradda saaraya kala xadaynta adeegyada guud iyo horumarinta shaqada waaxaha howlaha guud iyo qorshaynta adeegyadaas.

Waxaa sidoo kale ahmiyad gaar siinaya buuggan diyaarintiisa loo tababbaranayo siyaasadda howkaha guud ee degmooyinka Galmudug iyo dhammaan arrimaha la xiriira mashaariicda horumarinta degmooyinka.

Guddoomiye ku xigeenka Dhuusamareeb Abdisamad Salaad Aadan ayaa madasha tababbarka ka sheegay in la sameeyay nakhshad cusub oo Dhuusamareeb sidaas darteedna aan la isticmaali Karin dhammaan nakhshaidii hore ee Caasimadda. Maadaama sida uu sheegay nakhshaddan cusubi lagu asteeyay 5km oo jiha kasta magaalada ka xigta si aan loo beerdarayn mashaariicda muhiimka ah ee magaalada laga fulinayao.

Warkan waxaa faahfaahinaya. Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here