Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta maamulka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb kadaah furtay tababar diiradda lagu saaray doorka culimada ee nabadeynta, xoojinta wada-noolaanshaha iyo iskaashiga bulshada.
Tababarkan oo ay ka qeybgaleen culimada ayaa ujeedkiisu yahay in sare loo qaado kaalinta ay culimadu ku leeyihiin dhisidda nabadda, xalinta khilaafaadka bulshada iyo kor u qaadidda wacyiga ku aaddan wada-jirka bulshada.
Tababarka oo socon doona muddo dhowr maalmood ah, ayaa lagu baranayaa mowduucyo ay ka mid yihiin: doorka diinta ee nabadda, xalinta khilaafaadka, wacyigelinta bulshada, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya qaybaha kala duwan ee bulshada.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.