Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo gabagabeeyay tababar ku saabsanaa doorka warbaahinta ee la dagaallanka takoorka iyo heyb-sooca.
Tababarkan, oo ay soo qaban-qaabisay daladda warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA), waxaa ka faa’iideystay suxufiyiin, xubno ka tirsan maamulka degmada, culimada, iyo qaar ka mid ah dadka la heyb-sooco.
Ka qaybgalayaasha ayaa la filayaa inay door ka qaataan wacyigelinta bulshada si loo cirib-tiro takoorka lagula kaco dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa la heyb-sooco, kuwaas oo qayb ka ah bulshada Soomaaliyeed.
waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi