Tababar ku Saabsan hormarinta Ganacsiga oo lagu soo xiray Kismaanyo

0
38

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo xiray tababar muddo socday oo loo qabtay 90 qof oo laga soo xulay shan tuulo oo hoos yimaada degmada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbadda hoose.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray kobcinta aqoonta iyo xirfadaha ganacsi ee bulshada, si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee tuulooyinka miyiga ah.

Agaasimaha ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay dadaallada wasaaraddu ku doonayso in lagu xoojiyo ganacsiga yaryar iyo kan dhexdhexaadka ah, isagoo ku booriyay ka qaybgalayaasha inay aqoonta ay heleen u adeegsadaan horumarinta noloshooda iyo tan bulshada ay ku nool yihiin.

Sacdiyo Abdulkadir Yusuf ayaa warkan soo jeedinaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here