Tababar ku saabsan ilaalinta caafimaadka caruurta oo ka furmay magaalada Gaalkacyo.

0
25

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Mohamud Ahmed Mohamed oo ay wehlinayaan Madax katirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Gudoomiye ku xigeenka Samafalka iyo Mashaariicda Gobolka Mudug ayaa magaalada Galkacyo ka daahfurey Tababar ku saabsan Maareynta Isku-dhafan ee Cudurada ku dhaca Dhallaanka iyo Caruurta ka yar 5ta sano.

Tababarkan oo socon doona muddo 7 Cisho ah ayaa ujeedadiisu tahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda howlwadeenada qeyb kamid ah xarumaha caafimaadka gobolka Mudug iyadoo lagu tababari doono habka Caalamiga ah ee Maareynta Isku dhafan ee daweynta Cudurada Dhallaanka iyo Caruurta.

Warkan waxaa soo jeedineysa:Hamdi Diriye Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here