Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa si rasmi ah loo soo xiray tababar muddo afar (4) maalmood ah uga socday magaalada Gaalkacyo dhalinyaro iyo howlwadeeno ka tirsan maamulka degmada Gaalkacyo.
Tababarkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug, Oo kaashanaysa hay’adda F.C.A, ayaa diiradda lagu saaray fahamka dhalinyarada ee dowlad-wanaagga, ka qeyb-qaadashada howlaha hor-taabinta u leh bulshada, iyo kor u qaadidda doorka dhalinyarada ee horumarinta degmada.
Warkan waxaa soo jeedinaysa:Hamdi Dirie Ali