Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo kaashanaysa Hay’adda Horncenter Dialogue ayaa degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ka daahfurtay tababar ku saabsan dhex-dhexaadinta, xallinta khilaafaadka, iyo waxbarashada madaniga ah ee bulshada.
Tababarkan waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Maamulka Degmada Cabudwaaq, ururrada haweenka iyo dhalinyarada, odayaasha dhaqanka, hooyooyinka nabadda, iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka.
Sacdio Abdulkadir Yusuf ayaa warkan faah faahinaysa.