Tababar ku saabsan xallinta khilaafaadka oo wasaaradda Arrimaha gudaha Galmudug ka furtay Dhuusamareeb.

0
74

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa si rasmi ah uga furtay magaalada Dhuusamareeb tababar diiradda lagu saarayo xallinta khilaafaadka iyo dhexdhexaadinta bulshada Galmudug

Tababarkaan oo socon doona dhowr maalmood ayaa waxaa ka qeybgalaya qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, iyo dhalinyarada. Ujeedada tababarka ayaa ah in la xoojiyo doorka ay bulshadu ku leedahay nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka, iyada oo la siinayo xirfado iyo aqoon ku saabsan sida loo wajahayo murannada si waxtar leh oo nabadeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa furitaanka tababarka ka sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallada ay Galmudug ugu jirto horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo wada noolaanshaha bulshada. Waxa kale la tilmaamay muhiimadda ay leedahay in bulshada deegaanka la siiyo fursad ay kaga qeyb qaataan xalinta dhibaatooyinka ka dhasha is-afgaranwaaga ama khilaafaadka ku saleysan dhaqan, siyaasadeed iyo kheyraad.kale ee dhulka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here