Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Magaalada Kismaayo Ee Jubbaland ayaa Tababar Loogu soo gaba-gabeeyey 150 haween ah kuwa oo bartay xirfadaha farsamada gacanta sida cilaan saarka iyo toliska dharka, kaas oo socday muddo saddex bilood ah.
Munaasabadda xiritaanka tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Wasaaraddaha Haweenka, Waxbarashada, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Xildhibaano, Agaasimayaal guud iyo Gudoomiyaasha Haweenka iyo Marti Sharaf kale.
Warkaan waxaa soo jeedinaysa: Sacdiya Abdulkaadir yusuf