Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Roberto De Zerbi ayaa amaan cajiib ah u diray Graham Potter ka dib markii ay Brighton garaacday kooxda chelsea isla markaana ay guusheedii ugu horaysay abid ku soo gaadhay Stamford Bridge.
Chelsea ayaa guuldaradii 3-aad oo xidhiidh ah la kulantay tartamada oo dhan iyo guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League.
Shaqadii cajiibka ahayd ee uu Potter ka qabtay Brighton muddadii 3-da sano ahayd ayaa chelsea ku qancisay in ay ka qaataan Brighton kana dhigtaan tababarohooda cusub ka hor inta aanay Blues caydhin tababarhaa 47 jirka ah bilowgii bishan.
De Zerbi, si kastoy ahaatab, waxa uu heer kale gaadhsiiyay Brighton, laakiin waxa uu si degdeg ah ugu mahad naqay ninkii isaga ka horeeyay ka dib markii uu hagayay mid ka mid ah guulihii ugu waynaa ee uu gaadhsiiyay kooxda.
“Waa inaan u mahadceliyaa Graham Potter sababtoo ah waxaan helay koox aad u weyn oo xoogan, waxaana hadda isku dayaya inaan dhiibto fikradeyda,” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib.
“Waxay noo tahay maalin cajiib ah”ayuu sii raaciyay tababaraha reer Italy, “Natiijada iyo qaab ciyaareedkana”.