Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka maamulka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb tababbar uga furtay in kabadan 60 haween ah oo ka kala yimid 11 degmo oo Galmudug ka wada tirsan. Haweenkaan ayaa la barayaa sida ay qayb uga qaadan lahaayeen nabadda iyo xoojinta xasiloonida deegaanada Galmudug. Tababbarkaan ay qabanayso Wasaaradda haweenka loona furay haweenka qaar kamida degmooyinka Galmudug ayaa socod doona mudo lix maalin ah.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liibaan Mohamed Abdi