Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Tababbarkan waxaa soo qaban-qaabiyay xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM oo gacan ka helaya wasaaradda warfaafinta Galmudug.
Waxaa tababbarkan loo qabtay wariyaal ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee Galmudug, muddo seddex malamood ah uu socdayna waxaa ka qayb-galayaasha lasiinayay casharro ku saabsan sida loo tebiyo wararka xuquuqda aadanaha.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali