Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Horncenter Dialogue iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa tababar shan maalin socday kusoo gabagabaysay degmada Gaalkacyo, Mudug, kaas oo ku saabsanaa dhex-dhexaadinta, xallinta khilaafaadka, iyo waxbarashada madaniga ah.
Tababarka waxaa ka qeyb galay Maamulka degmada, Ururrada haweenka, iyo dhalinyarada, Odayaasha dhaqanka, iyo hooyooyinka nabadda, Xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada Galkacyo, iyo Culumaa’uddiinka degmada, iyo qaybaha kale ee bulshada, kuwaas oo dhammaan muhiim u ahaa nabadda deegaanka Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garaad Ali