Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Degaanka Jaaw oo hoostaga degmada Ceelbuur, ayaa ku tallaabsaday horumar dhinaca adeegyada bulshada, iyadoo Dalladda Horumarinta Bulshada ee Talasamo ay agab waxbarasho ku wareejisay Iskuulka deegaanka.
Dadka deegaanka Jaaw ayaa u mahadceliyay Dalladda Talasamo ee soo gaarsiisay agabkan waxbarasho, taasoo ka caawin doonta sare u qaadista tayada waxbarashada ee bulshada deegaanka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor