Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada oo dil ugu geystay Muqdisho wiil bajajle ah ayaa gacanta lagu soo dhigay, taasoo sababtay in ay dhacaan banaanbaxyo rabshado wata. Waxaa sidoo kale lagu raad-joogaa dadkii isgoyska 4-ta Jardiin ka dhigay banaanbaxa ay ku burburiyeen hanti dadweyne, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed