Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Taliyaha Saldhigga Booliska Miirjiiclay ee gobolka Galgaduud, Dhamme Mustaf Maxamuud Cali, ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada amniga ka fuliyeen degaanka Miirjiiclay iyo degaannada hoos yimaada.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladaasi ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayay amniga iyo hubinta in dadka kusoo qulqulaya degaanka ay ku sugan yihiin xaalad nabdoon, maadaama Miirjiiclay ay haatan ku sugan yihiin boqolaal qof oo ka kala yimid degmooyin kala duwan oo gobolka ah.
Socdaalkan shacabka ee Miirjiiclay ayaa la xiriira siyaarada caalim weyn oo sanadkiiba mar lagu qabto halkaas.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor.


