Taliyaha ciidanka Asluubta soomaaliya oo codsaday in la dhiso Xabsiyo lagu xiro danbiilayaasha.

0
35

Taliyaha Ciidanka Asluub soomaaliya Gen Mahad C/raxmaan Aadan oo ka hadlayey munaasibads xuska 12 April ayaa sheegay ineysan heysan Ciidamada Asluubtu Xabsiyo ku filan oo ay ku hayaan dadka dambiyada gala ee la xukumo ama xukun sugayaasha ah.
Taliye Mahad ayaa sheegay iney jiraan wasaarado kooban oo ay ka heleen ciidamada Asluubtu tageero sida Wasaaradda Waxbarashada, iyo Caafimaadka, waxaana uu Madaxda dalka iyo bulshada soomaaliyeed ugu baaqay iney kala qeyb qataan dhismayasha xabsiyada dalka.

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here