Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee qeybta Galmudug oo kormeer ku tagay xerada Ciidanka Asluubta ee magaalada Gaalkacyo

0
15

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee qeybta Galmudug ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xerada Ciidanka Asluubta ee magaalada Gaalkacyo. Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa indha-indheyn iyo dhiirrigelin ku aaddan tababarka ciidamo cusub oo haatan tababar ku qaadanaya xaruntaasi.

Taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha iyo macallimiinta tababarka, wuxuuna ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan tayeynta ciidanka. Sidoo kale, wuxuu kula dardaarmay ciidamada in ay muujiyaan feejignaan, daacadnimo, iyo xirfad, si ay ugu adeegaan shacabka iyo dalka si hufan.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here