Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Gallad Maxamuud Qayliye taliyaha saldhigga Booliiska degmada Guriceel ayaa xilka u kala wareejiyay taliye ku xigeenkii hore ee saldhigga Booliiska Guriceel iyo Maxamed Maxamed Maxamud Seeraar oo taliska booliiska Soomaaliyeed dhowaan xilkan usoo magacaabeen. Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha saldhiga Booliiska Guriceel ayaa taliyuhu xilka ugu kala wareejiyay labada taliye.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali