Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug, Abdicasiis Gaarhaye, ayaa si rasmi ah uga daahfuray degaanka Miirjicley koobka isdhexgalka afarta xaafadood ee magaaladaasi, kaasoo loogu talagalay kor u qaadidda isdhexgalka dhalinyarada iyo dhiirrigelinta ciyaaraha nabadda.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Xeraale, odayaal dhaqameed, marti sharaf iyo boqolaal taageerayaal ah oo soo dhaweeyay bilowga tartanka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor