Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Xananbuure tartan kubadda cagta ah oo ay ka qaybgalayaan xaafadaha kala duwan ee magaalada. Tartankan ayaa lagu qabanayaa garoonka kubadda cagta ee magaalada, waxaana ujeeddadiisu tahay dhiirrigelinta isdhexgalka bulshada, kobcinta xirfadaha ciyaaraha, iyo abuurista jawi nabadeed oo ay dhalinyaradu ku horumari karaan.
Munaasabadda furitaanka tartanka ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, ciyaartooy, taageerayaal, iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah. Waxaa sidoo kale laga jeediyey khudbado lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada, lana adkeeyay muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin horumarka bulshada iyo ka hortagga tahriibka iyo qabyaaladda.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi