Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Koobka Adduunka ee Naadiyada FIFA 2025 ayaa si rasmi ah uga socda dalka Mareykanka, iyadoo ay ka qeyb galayaan 32 kooxood oo ka kala yimid daafaha dunida.
Tartankani wuxuu casriyeyn lagu sameeyay nidaamkiisii hore, wuxuuna hadda la mid yahay Koobka Adduunka ee xulalka.
Kooxo waaweyn sida PSG, Real Madrid, Manchester City, Chelsea, Bayern Munich, iyo Juventus ayaa ka mid ah kuwa ugu cadcad tartanka. Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya kooxo ka socda horyaalka Mareykanka (MLS) sida Inter Miami, LAFC, iyo Seattle Sounders.
Ciyaartoyda ugu waaweyn caalamka ayaa u tartamaya Kabta Dahabka ah – abaalmarinta la siiyo gooldhaliyaha ugu sarreeya tartanka.
Gooldhalinta ugu sareysa ilaa hadda:
-
Ángel Di María – Benfica – 3 gool
-
Jamal Musiala – Bayern Munich – 3 gool
-
Michael Olise – Bayern Munich – 3 gool
-
Kenan Yıldız – Juventus – 3 gool
-
Wessam Abou Ali – Al-Ahly – 3 gool
-
Pedro Neto – Chelsea – 2 gool