Tartanka kubadda cagta ee Dugsiyada Gobolka Banaadir oo Mugdisho ka furmay.

0
7

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa galabta si wadajir ah u furay Tartanka Kubadda Cagta ee Dugsiyadda Gobolka Banaadir.

Tartankaan oo si rasmi ah ugu furmay Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium, ayaa waxaa ka qeyb galaya Naadiyadda Kubadda Cagta ee Dugsiyadda Waxbarashada Gobolka Banaadir, iyadoona furitaanka tartanka ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir iyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada G/Banaadir.

Hamdi Dirie Ali ayaa warkan soo jeedineysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here