Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Xilli uu isu diyaarinayo in uu xafiiska la wareego wax ka yar hal bil, ayaa madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump waxa uu ku hanjabay in kanaalka Panama uu ku soo celin doono Gacanta Mareykanka, waxa uuna cusboonaysiiyay baaqyo ah in uu Greenland ka iibsado Denmark.
Jaziiradda waxaa mara in ka badan 14,000 oo markab sanad walba – oo u badan maraakiibta Maraykanka, Shiinaha iyo Japan – kuwaas oo sida badeecooyin qiimahoodu ka badan yahay 270 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.
Maraakiibta qaada gawaarida, gaaska dabiiciga ah, iyo maraakiibta dagaalka ayaa mara biyahan, sidoo kale maraakiib wada wax soo saarka beeraha sida galleyda iyo soyanka ee ka yimaada Mareykanka ilaa Aasiya, iyo badeecadaha iyo gaadiidka elektaroonigga ah ee Aasiya ilaa Yurub iyo Mareykanka.
Jasiiradda Panama waxa ay muhiim u ahayd dhaqaalaha Maraykanka, oo ah kan ugu badan ee isticmaala jasiiradda, iyada oo 73% gaadiidka jasiiraddaasi ay ka yimaadaan Maraykanka.
Sababaha ugu waaweyn ee keenay kordhinta cashuuraha kastamka oo uu si weyn u dhaliilay madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa waxaa sabab u ah isbeddelka cimilada oo caqabad ku ah maraakiibta mara biyaha badda.