Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Udiyaar garowga toddobaadka xurriyadda ayaa si weyn looga dareemayaa suuqyada magaalada Dhuusamareeb. Dadweynaha oo u heelan xuska maalmaha xorriyadda, ayaa si weyn uga qeyb qaadanaya iibsashada dharka midabada calanka leh iyo calamada loo diyaariyay dabaaldegga.
Ganacsatada suuqyada oo aan la hadalnay, ayaa noo sheegay in ay si aad ah u kordheen macaamiisha maalmahan.
Dhanka kale, dhalinyarada leh goobaha sawirrada lagu qaado ayaa si weyn uga faa’iideysanaya fursadda, iyaga oo sheegay in dalabka macaamiisha uu aad u kordhay todobaadkan.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor.