Ururka dhalinyrada aqoonyahanka ah ee Gargaar oo doortay xubnaha golaha dhexe kadib doorasho ay kuqabsaden Dhuusamareeb

0
45

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Doorashada golaha dhaxe ama Baarlamanka ururka Garagaar ayaa kadhacday magalada dhuusamareeb.Xaflada dorashada waxa kasoqeyb galay Masuliyeen iskugu jirtay Wasiiro, Maamulka gobolka, iyo mamulka casimada Galmudug.Ahmed Galdiid gudoomiyaha gargaar ayaa sharaxay sida ay u dhacday doorashada golaha dhaxe.Wasiir dowlaha wasarada Caafimaadka Galmudug Ahmed Mire Ali”Faafaale” iyo gudoomiyaha gobolka galgaduud Cilmi Cali Cabdi ayaa si iskumida u bogaadiyey dhalinyarada Gargaar ee doorashada sameeyay si ay ururkooda uhormariyaan.Wasiiraka wasaarada waxbarashada Galmudug Maxamad Xaashi dhoore ayaa sheegay in doorashada ay qabteen dhalinyarada ururka gargaar ay kadhigan tahay mid macno weyn usamaynaysa Galmudug.Ururuka Gargaar ayaa ah urur si isxilqaan ah  kagashaqeeya wacyigalinta bulshada,hormarinta Cafimadka iyo waxbarashada deganada mihiga ah.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Cabdullahi Cabdulqaadir Nuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here