Ururka Gargaar oo Dhisme Waxbarasho ka Bilaabay Deegaanka Xanuunabuure.

0
30

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ururka samafalka ah ee Gargaar ayaa si rasmi ah uga bilaabay dhisme cusub oo loogu talagalay dugsiga hoose/dhexe ee ku yaalla deegaanka Xanunabuure.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada ururka ee lagu horumarinayo fursadaha waxbarasho ee carruurta ku nool deegaannada miyiga ah ee dalka.

Guddoomiyaha ururka Gargaar, Axmed Gaardiid, ayaa sheegay in mashruuca uu ka kooban yahay dhowr qeybood, oo ay ka mid yihiin, Dhisidda xarun waxbarasho oo ku-meel-gaar ah.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here