Ururrada bulshada rayidka ah oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan isla xisaabtanka Maamulka Galmudug.

0
38

Barafasoor Kulmiye oo Marti ku ahay Barnaamijka Maamul Wanaag ee ka baxa Radio Daar-Dheer  ayaa sheegay in ururrada bulshada rayidka ah ay door muhiim ah ku leeyihiin la xisaabtanka hay’adaha dowladda, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in ay si firfircoon uga qeyb qaataan kormeerka iyo dabagalka waxqabadka maamulka Galmudug. Waxa uu tilmaamay in isla xisaabtanku uu yahay tiir muhiim u ah horumarka iyo maamulka suuban, loona baahan yahay in la dhiirrigeliyo doorka bulshada ee arrimaha hufnaanta iyo daahfurnaanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here