Wacyigelin Nabadeed oo laga Sameeyay deegaano hoos taga degmada Balanballe.

0
36

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ururka Samadoon, oo ah koox isku xilqaantay ka shaqeynta nabadda, ayaa maanta wacyigalin ka sameeyay deegaanka Kaxandhaalle ee galbeedka degmada Balanballe. Waxgaradka deegaanka iyo maamulka deegaanka Kaxandhaalle ayaa soo dhaweeyay xubnaha Ururka Samadoon, waxaana ay uga mahadceliyeen shaqada wanaagsan ee ay ka wadaan deegaanada, iyagoo sidoo kale sheegay inay ka qayb qaadan doonaan nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Ururka Samadoon, oo ka kooban culimo, cuqaal, iyo aqoonyahanno kasoo kala jeeda degmada Guruceel iyo Balanballe, ayaa mudooyinkii dambe ka waday wacyigalin ku saabsan kor u qaadida nabadda iyo xasiloonida deegaanka ee dhanka Balanballe iyo Guruceel.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abullahi Abdulkhadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here