Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)–Wadatashi laba maalmood socday oo ku saabsanaa dhowrista maamuska hooyooyinka golaha deegaanka ku jira, nabad-dhowrayaal, iyo kobcinta codkooda hoggaamineed ayaa ka dhacay Cabudwaaq.
Wadatashiga waxaa soo qaban-qaabisay Hay’adda Horncenter Dialogue, iyada oo maalintii labaad ay ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Degmada Cabudwaaq, Mudane Muxudiin Adan Wali, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Cabudwaaq, iyo qaar ka mid ah howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Galmudug.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa kaalinta hooyooyinka iyo nabad-dhowrayaasha si ay u noqdaan hoggaamiyeyaal firfircoon oo kaalin mug leh ka qaata horumarka bulshada.
Intii uu wadatashigu socday, waxaa laga dooday caqabadaha haysta hooyooyinka ku jira golayaasha deegaanka iyo baahida loo qabo in la helo taageero dheeraad ah oo sare u qaada doorkooda hoggaamineed.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor