Waddamada Khaliijka oo soo saaray go’aan ka dhan ah qorshe uu rabo Mareykanka

0
38

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Khaliijka ayaa mamnuucay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku isticmaalaan garoomadooda ama hawadooda si ay weerar ugu qaadaan Iran, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump dhammaadkii toddobaadkan ku hanjabay inuu dalkaas duqeyn doono.

Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Kuwait ayaa dhammaantood Maraykanka u sheegay in aysan oggolaan doonin in dalalkooda iyo hawadooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran, xitaa haddii ay tahay hawlgallada shidaalka iyo gurmadka diyaaradaha, sida uu Middle East Eye u xaqiijiyay sarkaal sare oo Maraykan ah oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

“Ma doonayaan inay qeyb ka noqdaan dagaalkan, ayuu yiri sarkaalkaasi.

Haddii Iran ogaato in dalalka Khaliijka aysan taageero siinayn weerarrada Maraykanka, waxay arrintaasi sii adkeyn kartaa mowqifka wadaxaajood ee Tehran.

Markii hore dalalka Khaliijka ayaa aad u dabacsanaa arrinta weerarrada Xuuthiyiinta Yemen, sida uu sheegay sarkaal hore oo Maraykan ah oo xog ogaal u ah arrintaas. Sarkaalkan ma shaacin dalalka loo adeegsaday saldhigyada duqeymahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here