Waddo loogu tala-galay fududaynta dalagga beeraha oo laga dhagax dhigay Cadadaado.

0
3

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Degmada Cadaado oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa dhagax dhigay waddo Jay ah oo dhererkeedu yahay 1km, taas oo isku xiraysa beeraha degmada iyo laamiga weyn.ee deegmada cadaado Gobolka Galgaduud.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug ayaa caddeeyay in wasaaraddu ka go’an tahay horumarinta kaabayaasha muhiimka ah ee degmada Cadaado, si kor loogu qaado isku socodka iyo horumarka bulshada.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here