Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)Iyadoo bilihii ugu dambeeyay magaalada dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka
Galmudug ay sa xawli ah ay uga socdaan dhismaha wadooyinka mara qaybo kamid ah xafadaha
magalada Dhuusamareeb oo bur bur xoogan gaaray xiligii ay dhacday dowladii dhexe ee
soomaaliya iyadoo wadooyinka qaar ay dadku guryo kadhexsamaysteen taasi oo caqabad kale ku abuurtay dadka iyo isku socodka magaalada.
Agasimaha hawlaha guud ee Dowlada hoose dhusamareeb Axmed Jaamac Calinuur oo lahadlay Radio Daar-dheer ayaa kaga waarbixiyay dadaalada dowlada hoose kudhisayso wadooyinka dadka dhistay wadooyinkana ay guryahooda dib uga burburinayso taasi oo bulshada qaar aysoodhaweyeen waxaana uu sheegay in dowlada hoose shaqada wadooyinka xoog saarayso ilaa ay wadooyinka banayso.
Waxaa Warbixintaan inoo soo jeedinaya Abdifitah Mohamed Ahmed.