Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wajiga koowaad ee dhismaha waddo muhiim ah oo isku xireysa gobollada Sool iyo Sanaag ayaa si rasmi ah looga bilaabay magaalada Adhicadeeye ee gobolka Sool. Waddadan ayaa la filayaa inay si weyn uga qayb qaadato isku socodka bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo fududeynta adeegyada aasaasiga ah ee u dhexeeya deegaannada labada gobol.
Munaasabadda bilowga mashruuca ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka, odayaal dhaqameed iyo qaybaha bulshada, kuwaas oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin hirgelinta mashruucan horumarineed.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed